Halka ay mareyso deyn cafinta Somalia, xilli uu socdo qorshe ay diiday Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha, kaasi oo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Tiina Intelmann.

Kulanka Wasiirka Maaliyadda Soommaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa maaliyadda dalka, xilli Soomaaliya lagu leeyahay deymo badan.

Kulankaan oo qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa ahaa mid miro-dhal ah, sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban kasoo saaray kulankaan.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu xilligaan yahay saaxiib muhiim ah oo kaalin wanaagsan ku leh dadaalada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka barnaamijka deyn cafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshe ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa xilligaas lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.