Xil wareejin ka dhacday dowladda hoose ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure ayaa xilka u kala wareejiyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka iyo agaasimaha cusub ee waaxdaasi.

Agaasimaha cusub ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Xuseen Cabdullaahi Xasan ayaa xilka kala wareegay agaasimihii hore ee waaxdaasi Muuse Sheekh Cali Eybakar.

Munaasabada xil-wareejinta oo ka dhacday Aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimeyaal guud, agaasime waaxeedyo iyo howl-wadeeno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Geba-gabadii munaasabada ayaa waxaa hadal kooban oo isugu jirtay mahadcelin iyo dardaaran halkaasi ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ciise Guure.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu uga mahad-celiyay agaasimihii hore ee waaxda shaqada iyo shaqaalaha howlihii adkeyd oo uu kasoo qabtay xafiiskaasi, isaga oo dhinaca kalena kula dar-daarmay agaasimaha cusub ee waaxda in la dardar-geliyo howlaha xafiiska shaqada iyo shaqaalaha.

Waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee gobolka Banaadir ayaa waxay kamid tahay xafiisyada ugu muhiimsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Hoos ka daawo