Fiqi oo shaaciyey in Puntland diiday in DF ay ka caawiso dagaalka kooxda Daacish

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay caddeysay in laga hor istaagay inay si buuxda uga qayb noqoto dagaalka ka socda Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ka hor istaagay dowladda ka qayb qaadashada dagaalka.

Waxa uu sheegay in arrintan ay u hayaan caddeymo, ayna hoggaanka Puntland albaabada ka soo xirteen kaalmada dowladda federaalka, xilli ay hore u jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay labada dhinac.

“Saciid Deni ayaa diidan in aan dagaalka Puntland gacan ka geysano, caddeynna waan haynaa. Dowladda federaalka albaabadii ayaa laga soo xirtay, waana la iska eedeynayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isaga oo ku eedeeyay maamulka Garoowe in ay dowladda ka hor istaageen ka qayb qaadashada dagaalka.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa imanaya xilli dowladda federaalka lagu eedeynayay in aysan dagaalka socda ka qaadan doorkii looga baahnaa.

Inkasta oo labada dhinac ay hore uga dhexeysay xiisad siyaasadeed, haddana waxa ay ahayd in loo midoobo cadowga arxan-darrada ah ee kusoo duulay dalkeenna, waana waajib saaran qof walba in laga qayb qaato dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan lagu dhaliilaa in aysan kala soocin xifaaltanka siyaasadeed ee shaqsiga ah iyo danaha qaranka, oo ah lama taabtaan aan la gorgortami karin.