Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo digreeto soo saaray, ayaa xalay xil sare u magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed.
Abuubakar Bashiir ayaa loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka Carabta, maadaama ay qayb ka tahay ururo badan oo Carbeed, isla markaana ay xiriir diblomaasiyadeed fiican la leedahay dalal Carbeed oo siyaasadeed ahaan aad u kala fog.
Dhinaca kale, magacaabistan ayaa dhalisay hadal-hayn xooggan, waxaana si weyn uga falceliyay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada.
Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan ahayn xil macno leh, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas xafiiska Ra’iisul Wasaaraha looga qoray “biil.”
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan, kuwaas oo mushaar uun ka qaata xafiiskiisa, lana ogeyn waxa ay kusoo kordhiyaan dowladnimada Soomaaliya.