Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard H. Riley.
Danjire Richard H. Riley iyo Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo doorashooyinka. Labada mas’uul ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka dalka uga dhacaan nidaam la isku waafaqsan yahay.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii Dowladda Mareykanka ay ka wadday deegaannada Koonfur Galbeed iyo xaqiijinta amniga guud ee deegaannada maamulkaasi.
Lafta-gareen ayaa xoojiyay in la dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si hore loogu qaado amniga deegaannada Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay bayaan ay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kasoo saartay kulankaas.
“Mowduucyada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada iyo horumarinta dimuqraadiyadda Soomaaliya, oo loo marayo doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuwaas oo ku saleysan nidaam loo dhan yahay, lehna taageero iyo sharciyad ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda, oo lasoo dhigay barteeda X (ex-Twitter).
Kulankan ayaa imanaya xilli uu Lafta-gareen markale isku diyaarinayo xilka uu haatan hayo, isla markaana uu xiray musharraxiin culus oo la tartamaya, kuwaas oo uu ka mid yahay hoggaamiyaha mucaaradka Koonfur Galbeed, Dr. Ibraahim Macallin Nuurow.
Dr. Ibraahim kaliya ma aha shaqsiga Lafta-gareen u xiray arrimo siyaasadeed, balse waxaa jira siyaasiyiin kale, dhallinyaro, abwaanno, iyo dad kale oo xabsiyada ka buuxa, kuwaas oo loo xiray aragtidooda siyaasadeed.
Sidoo kale, siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka baqaya inay dib ugu laabtaan deegaannadooda, cabsi ay ka qabaan Lafta-gareen darteed. Kuwaas oo intooda badan ku sugan Muqdisho, iyagoo ka quustay inay dib ugu laabtaan Baydhabo.