DF oo shaacisay in maanta dadkii ugu badnaa laga helay Coronavirus, Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxayna ku shaacisay in tiradii ugu badneyd oo loo diiwaan geliyo mudo 24-saac gudahood inay qabaan xanuunka COVID-19.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey 73 qof oo qaba cudurka COVID-19, kuwaas oo noqonaya tiradii ugu badneyd oo halmar ay shaaciso wasaaradda caafimaadka.

51 kamid ah 73-da qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 22-ka kalena ay dumar yihiin, waxayna tirada guud ee dadka loo diiwaan geliyey in uu ku dhacay COVID-19 gaartay 237 kiis oo qaar ka bogsaday qaarna u dhintay.

Warbixinta caawa soo baxday waxaa sidoo kale lagu sheegay in hal qof maanta loo diiwaan geliyey in uu u dhintay Coeonavirus, waxayna tirada guud ee dhimashada cudurkaas gaartay sideed ruux.

Sidoo kale qof kale ayaa kasoo bogsaday xanuunkaas, sida lagu shaaciyey warbixinta, waxayna tirada dadka ka bogsaday COVID-19 gudaha Soomaaliya gaartay 4 qof.

Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kan u dhintay iyo kan ka bogsadayba.