Daawo: DF oo shaacisay in 100 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay CEELDHEERE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen ciidamasa huwanta.

Al-Cadaala ayaa shaaciyey in xalay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu beegsaday Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidanka Somalia iyo saaxibada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in uu howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey isla-markaana lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen 200 oo Shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan 12 horjooge oo isku uruursanayey halkaasi, ayna kala wareegeen deegaanka Ceeldheere.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in halkaas lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan 10 horjooge, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, isna lagu dilay illaa 64 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay asturida meydadka dagaalyahanada badan ee laga laayeyAl-Shabaab, ayna soo bandhigi doonaan gaadiid iyo sidoo kale hub fara badan ay ka qabsadeen kooxda.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dadka deegaanka ee kala qaybqaadanaya dowladda howlgallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka, si looga saaro Al-Shabaab.