DF oo shaacisay inay tallaabo ka qaadeyso maleeshiyada Waqooyiga MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur oo maanta ka qeyb galay kulan looga hadlaayey ammaanka iyo horumarka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan ay dowladdu bilaabi doono howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee aan dowladda ka amar qaadan.

Wasiirka ayaa sheegay inay marar badan soo gaareen fariimo ka yimid maamulka iyo bulshada degmada Kaaraan oo ka cabanaya askar wadata dharka shacabka, kuwaas oo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nasoo gaartay fariintiina, waa dembi in qof aan ka tirsaneyn ciidanka qaranka uu soo qaato qori oo bulshada la dhex-joogo, waxaan ka yeeli laheyn waa ka tashanay, dhawaana waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon,” ayuu yiri wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur.

Degmada Kaaraan oo dhacda waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa marar badan marti gelisay isku dhacyo hubeysan oo dhex-maray maleeshiyad deegaanka ah.

Kaaraan waa degmada ugu badan oo gacan ka hadalku uu ka dhasho is qab-qabsiga la xariira dhulalka ama boosaska, waxaana inta badan gacan ka hadalkaas ku lug-yeesha ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda Kaaraan.

Sidoo kale Kaaraan waxaa degan oo ciidamadoodu ay isku dhacaan, mararka qaarna toos ugu lug-yeeshaan is qab-qabsiga dhulalka saraakiil ka tirsan xoogga dalka, waxaana inta badan dowladda ku adkaata inay xakameyso saraakiishaas iyo ciidamadooda.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii