Ololaha culimada taagersan Farmaajo, Fahad iyo Qatar

Waxaa maalmahaan baraha bulshada qabsaday khudbadaha dhawr wadaad (Sheikh) ee aad looga yaqaan Soomaaliya ay ku weerarayaan si la garan karo mucaaradka dowladda federaalka, gaar ahaan Midowga  Musharrixiinta, kuwaaso ay ku eedeynayaan inay yihiin siyaasin damac qaaday, kana daran Al-Shabaab, inay caqabad ku yihiin wax qabadka dowladda federaalka ee talada haysa, inay  yihiin mufsidiin aan aqoonsaneyn qaddarta ilaahey ama inay colaad ay u qabaan Madaxweyne Farmaajo darted ay wadanka burburinayaan. Waxay ku doodayaan in mucaaradka raalli ku ahaadaan takrifalka (hoggaaminta wacan) Madaxweynaha talada haya. Waa olole horey u socday, haseyeeshe maalmahaan labo lixaadsaday, wadaado cusubna ku soo biireen.

Wadaada waxay ku eedeynayaan mucaaradka dambi iyo damaca ay galeen ama leeyihiin Farmaajo iyo Fahad.

Culumada waxay iska indhatirayaan dhibaatooyinka faraha badan, dib u dhaca, iyo  musuqmaasuqa dalka ka dhacay 5 sano ee la soo dhaafay oo ilaa maanta socda, kana sii daraya, kuwaaso ay mas’uul ka yihiin Farmaajo iyo Fahad iyo taagerayaashooda ajnabiga ah ee Qatar, Eritrea, iyo  Ethiopia.

Waxaa la kala saari la’yahay in Culumada aysan aqoon fiican u laheyn nidaamka dowladnimo ee Soomaalidu ku heshiishay ama inay ka soo horjeedaan nidaamkaas ku qeexan dastuurka kmg kuna saleysan shareecada islaamka ama inaysan weli waqti u helin inay akhriyaan dastuurka kmg iyo mabaadi’diisa asaasiga ah.

Waxay aaminsanaa in Culumada qaarkeed ay ka qayb galeen shirarkii lagu ansixiyay dastuurka sannadkii 2012.

Dastuurka wuxuu faraya muwaadiniinta inay ilaaliyaan, indha ku hayaan, la xisaabtan ku hayaan mas’uuliinta xilka loo dhiibay, kuna dhaartay magaca ilaahey inay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka kmg, danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo difaaca diinta islaamka. Culumada waa kuwa laga rabay inay maalin kasta sheegaan qaladaadka iyo xadgudubyada mas’uuliinta xukunka haysa si loo saxo.

Shaqadii sax loo qabto waa waajib la fuliyay, abaalmarinteeda waqtiga doorashada ayey imaaneysa haddii qaladaadka dhacay loo dulqaadan karo. Haddii xaqiiqada dhabta ah la iska indhatiro dalka waa burburaya.

Mas’uul la siiyay kalsooni shacab (Farmaajo ii geey), 2.5 bilyan doolar sannadkii, 40,000 ciidan ah, 5,000 shaqaale dowladeed, dastuur uu raaco, barnaamij shaqo uu fuliyo, iyo 4 sano ee muddo xileed ah, cidna kama hor istaagin gudashada shaqadiisa hab waafaqsan dastuurka, sharciga, iyo qorshaha shaqo ee la siiyay.

Culumada waxay ka aamusnaayeen, welina kaa aamusan yihiin inay cambaareeyaan gaboodfallada, musuqmaasuqa, maamulxumada dalka ka dhacay 5 tii sano ee la soo dhaafay, adduunkana la socdo. Gaboodfalladda dhacay waxaa ka mid ah:

1. Curyaaminta Barlamaanka Federaalka matalayay shacabka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya;

2. Dagaalka dowladda federaalka ku haysay 5 sano Dowlad Goboleedyada kaaso curyaamiyay fulinta dhammaan arrimihii mudnaanta lahaa ee 5ta sano la qorsheeyay, taaso keentay dib u dhac dhaawacay aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

3. Boobka, musuqmaasuqa, maamulxumada, iyo xisaab xir la’aanta hantida Ummadda Soomaaliyeed. Hay’adda daahfurnaanta Caalamiga ah ( International Transparency), Hantidhawraha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed, iyo Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) waxay isku raaceen in Soomaaliya tahay dal musuqmaasuqa la degay.

Sannadka 2020 keli ah, marka laga soo gudbo musuqmaasuqa hareereeyay 25 hay’adood ee la baaray oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Barlamaanka Federaalka, lacagta la lunsaday waxay gaareysa 152 milyan doolar oo aan wax dokumenti ah laga hayn.

4. Waxaa la boobay doorashada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, waxaana la hagardaameeyay diyaarinta doorashada Barlamaanka federaalka si loo helo muddo kororsi sharcidarro ah, taaso lagu dhawaaqay 2021, haseyeeshe laga noqday kaddib markii dadka reer Muqdisho lagu kallifay inay dhiig iyo barakac huraan si ay u difaacan dastuurka, xorriyadooda iyo karaamadooda oo lagu xadgudbay.

Eedda Iibsiga iyo keensashada Xildhibannada waxaa Iska leh Farmaajo iyo Fahad.

5. Waxaa lagu xadgudbay qodobbada dastuurka 60 iyo 91 ee ku saabsan muddo xileedka 4 sano ah ee Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, oo astaan u ah qabashada doorasho xor iyo xalaal oo heshiis lagu yahay si loo ilaaliyo in awoodda dowladda lagu kasbado si sharci ah. Waa daruuri soo banbaxa muwaadiniin damac siyaasadeed leh.

6. Waxaa sannad iyo bilo hooyaya waalidiinta 5,000 dhallinyaro ah ee loo qaaday Eritrea si baalmarsan sharciga iyo nidaamka dowladda iyo bani’aadamnimada iyo waalidiinta Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo nolol iyo geeri aan lagu hayn oo NISA lagu eedeynayo.

7. Waxaa dhacay dhibaatooyin ay ka mid yihiin madax la wareeray, qaar la dilay ilaaladooda, qaar la dhaawacay, qaar la damcay in diyaarad lala rido kaddib markii loo diiday inay dhulka soo degto, DG cunaqabateyn cirka iyo dhulka la saaray Jubbaland, muwaadin loo dhiibay Ethiopia, cadaaladdarro gaartay in Al-Shabaab cadaalad loo doonto,

Waxaa nasiib darro in culumo markhaati ka ah gaboodfallada, boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada Farmaajo iyo Fahad mas’uulka ka yihiin ay ku eedeeyaan mucaaradka kuna tilmaamaan inay yihiin mufsidiin ama la mid yihiin Al-Shabaab.

Mucaaradka, dhammaan indheer garadka, bulshada ra’yidka oo culumada ku jirto waxay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, waddaniga ah oo ah inay ku midoobaan xil ka qaadista Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday iyo Golaha Wasiirrada fashilmay si soomaaliya loo badbaadiyo xukunka koox burcad ah iyo qalalaase siyaasadeed.

Dr. Maxamud Culusow

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.