DF oo shaacisay magacyada saraakiisha Al-Shabaab laga dilay iyo kuwa isa soo dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay, ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallad ka socda gobollada waddanka.

Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay magacyada saraakiisha kooxda Al-Shabaab looga dilay howlgalladii ugu dambeeyay iyo kuwa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladii todobaadkan dhacay xubno badan looga dilay Al-Shabaab, kuwaas oo uu jiro sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Aruuriyow Maxamed Cumar, kaas oo ka tirsanaa horjoogayaasha

“Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale,” ayuu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Shabaab uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

“Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal),” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgallada ayaa sii socon doono, ayada oo ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay maamulkaan, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku galeen xerada Janaay Cabdalle, kaas oo ku billowday is-miidaamin, isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday.