BF oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, kaasi oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka maanta ee Golaha ayaa sidoo kale waxa kamid ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay ogolaatay oo ay u codeeyen 143 Xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin sharcigaan.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143 Xildhibaan oo ka dhigan dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.

Saddexda hindise-sharciyeed ee maanta la ansixiyay ayaa waxa uu Golaha Shacabka dhamaantooda soo marsiiyay oo lagu ansixiyay akhrinta 3-aad.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii maanta kaga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.