DF oo shaacisay magacyada Soomaali meydkooda laga helay xuduudda laba dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada Soomaali kamid ahaa tahriibayaasha meydkooda laga helay xuduudka Giriiga iyo Turkiga ee la sheegay inay qabowga u dhinteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, ayada oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo xaaladaha ku xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shanta qof ee dhimashadooda xaqiijisay dowladda ayaa lagu kala magacaabi jiray; Cabdi Mahdi Cali, Yaxye Jamaal Muumin, Abuubakar Axmed Ibraahim, Naasir Suleymaan Xasan iyo Najax Cabdi Axmed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si murugo leh loogu wargaliyay in dadka tahriibayaasha ah ee meydkooda laga helay xadka Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu dalbaday baaritaan ku aadan arrintaas, ayada oo dowladda ku boorisay dalalka ay khuseyso iyo hay’addaha QM u qaabilsan qaxootiga ee UNCHR ay si deg deg ah ugu sameyso daba-gal dhacdada naxdinta leh.

“Dowladda ayaa si weyn uga xumaatay dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii aan u baroor-diiqnay toddobaadkan. Dowladda federaalka ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen dhibanayaashaas.”

Ugu dambeyntiina waxaa qoraalka lagu cambaareeyay xad-gudubyada ka dhan dadka Soomaalida, karaamada aadanaha iyo badbaadada nolosha bini’aadamka, iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee la xiriira xaalada Qaxootiga iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka.