DF oo shaacisay qorshe uu Biixi ku iman lahaa Xamar, Farmaajo-na HARGEYSA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay rajada laga qabo in dib loo bilaabo wada-hadalladii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, oo iminka hakad uu ku yimid, iyo qorshe Farmaajo iyo Biixi ku kala tagayaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Khadar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dardar gelinta wada-hadallada labada dhinac, isla markaana qorshahaas uu ahaa mid soo billowday Bishii Maarso ee Sanadkan, balse aysan sii socon, oo ay hakadeen

“Mar walba way naga go’an tahay inaan la hadalno Somaliland, qorsho waxaa jiray horay u socday oo ahaa inay wada kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biix” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Waxaa la weydiiyey suurtagal ma tahay in Soomaalida dhexdeeda wada-hadasho, iyada oo aysan ku dhex jirin dad kale, waxana uu sheegay in rajo laga qabo in Muuse Biixi uu yimaado magaalada Muqdisho, Madaxweyne Farmaajana uu tago magaalada Hargeysa.

Wada-hadalada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr mar fashilmay, waxaana bilihii u dambeysay Somaliland ay aad u dhaliilayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo inta badan xiisadda kala dhaxeysa Puntland ula dhaqmayey mid ay Somalia ka mas’uul tahay.

Somaliland ayaa khamiistii soo saartay warsaxaafadeed xasaasi ah oo dhowr qodob ka kooban kaasi oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, laguna sheegay in “Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland”. Halkan ka aqriso warkaas.

Hoos ka dhageyso codka Khadar.

Caasimada Online
Caasimada@live.com
Caasimada@live.com