Sawirro: Aqoonyahan caan ah walaalkiis oo lagu dilay qaraxyadii MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay haayeen kuwo lagu xiray  waxyaabaha Qarxa.

Gaariga Koowaad ayaa ku qarxay Bartamaha Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

10 Daqiiqo wax ka yar markii qaraxa hore laga joogo, ayaa qarax kale oo Jugtiisa meelo badan oo Muqdisho ah laga maqlay, waxa uu ka dhacay dhabarka danbe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa waxa ay sheegayaan Gaariga lagu qarxiyay isgoyska Debka in uu lahaa Prof Yahya Sheikh Caamir waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay.

Gaariga Labaad ayaa ku qarxay degaandega Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in gaarigaasi uusan geysan Khasaare badan, qoftii watay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa halkaasi ka qaaday dhaawacyadda dadkii ay waxyeelado soo gaartay.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay, iyo sidoo kale Gawaarida dab-damiska,kuwaas oo demiyey labada gaari oo aad u holcayey.