Qarax iyo dil kasta oo aan ku waayey QOF aan jeclaa waxaa iiga xanuun badan dulmigii Axmed Mukhtaar

Qarax, dil iyo musiibo kaste oo aan ku waayay qof aan jeclaa waxaa iiga xanuun badan dulmiga lagula kacay marxuum Axmed Mukhaar Saalax ee lagu dilay laguna gubay meydkiisa.

Qaraxyada iyo dilalku waa dhib loo siman yahay oo aan beegsaneyn qoys iyo qabiil gooni ah, balse dilka walaalkey Axmed Mukhtaar ma aha dulmi lagula kacay isaga kaliya, ee wuxuu tusaale-nool u yahay dulmiga iyo takoorka lagu hayo reerkiisa, ee looga xigsaday xuquuq ay aheed in ay bulshadooda ula sinnaadaan, waxaana hubaa in dambiileyaasha isu kaashaday dilkiisa aysan kusoo dhiiran laheyn haddii uu Axmed ka dhashay reer kale.

Waxaan daawaday Aabbaha Marxuumka oo wareysi laga qaaday ku yiri: “Reerka oo dhan Axmed ayaa gacanta ku hayay, isaga oo kalena iima dhalanaayo!!”. Ma garan karo sida ay maskaxda Aabbahaas uga daadegi karto in ay wiilkiisii dileen, meydkiisana gubeen dad ay Islaannimo iyo Soomaalinnimo wadaagaan, mana ogi sida wiilka uu marxuumku adeerka u ahaa ee uu gabadha u doonay dartiisna loo dilay looga dhaadhicin karo in dareenkiisii jaceyl uu sababay dilka adeerkiis Axmed, mana sawiran karo dareenka carruurta uu dhalay walaalkey Axmed Mukhtaar oo maanta dareensan in Aabbahood loo dilay loona gubay dulmi iyo faquuq soojireen ah oo ay reerkooda ku hayaan bulshada ay ka dhasheen lana noolyihiin.

Takoorka iyo Faquuqa ayay kamid tahay in aan ka gaabsanno dulmiga lagula kacay marxuumkan oo aysan miizaan badan noola yeelan sida dhacdooyinka kale, ee fadlan yaanan in dhexdeenna lagu dilay laguna gubay ugu darin in aan ka aamusno, ee aan si damqasho leh uga hadalno dulmiga, faquuqa iyo sida dhiirranaanta leh ee loo dilay walaalkeen, codkeennana u gaaro cid kaste oo u cadaalad sameyn karto walaalkeen Axmed, dadkiisana u dareensiinno in uu Axmed ahaa xubin jireenna kamid ah oo ka damqaneyno kana xunnahay sida arxan-darrada ah ee loo dilay walaalkeen.

Qofkii la rabo in la ogaado dhaqankiisa dhabta ah waxaa la eegaa sida uu ula dhaqmayo dadka uu iskala sarreeyo. Fadlan adigu ku dadaal in aan agtaada, gurigaaga iyo golahaaga lagu dulmin qof loogu dhiiranayo in uusan heysan cid uu maciinsado, codkaadana ku biiri dadka dulman oo noqo Microphone ay ku hadlaan dadkaas aan codkooda la maqal oo ka caawi in ay farriintoodu gaarto dadka aysan gaarsiisneyn, kuna sharaf shaqadooda oo ula dhaqan sida aad ula dhaqanto dadka kale oo dareensii in aad simantihiin ayna dadka kuula siman yihiin.

Rajo kama qabo in aan ku naaloonno Nabad iyo Nolol fiican inta uu qof walaalkeen ah ku dulmanyahay dhexdeenna. Rabbi ha u raxmadee Abwaan Xaaji Aadan Af-Qalooc oo dulmiga ka hadlayo ayaa ku gabyay:

Mar haddii cadliga laga tagoo lays tixgelin waayey
Inay nabadi taam noqoto waa tu aan la eegeyne
Tiih iyo mugdibaa lagu dambayn tii la soo maraye

Allow u narariiso walaalkeen Axmed Mukhtaar oo samir iyo bedel kheyr-qaba ka sii ehelkiisa iyo asxaabtiisa, caddaaladdaadana marsii kuwii falkaas ku kacay, annaga hanoo qaban falkaas ay arxan-laaweyaashaasu sameeyeen.

Waxaa Qoray: Hussain Sabrie