Mustaf Cagjar oo cadeeyay qorshaha saamiga DDSI ee shidaalka laga qodayo

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ismaamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu dib u eegis ku sameyn doono saamiga shidaalka ee dhulka Soomaalida.

Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), oo u waramaayay warbaahinta ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka DDSI ay helaan saamigooda shidaalka si loo helo wadashaqeyn wanaagsan oo dhexmarta maamulka iyo dowlada Ethiopia.

Mustafe Maxamed Cumar, waxaa uu sheegay in isaga kaligii uusan sixiixi karin saamiga laga siinayo Soomaalida iyo dadka deggan agagaarka Magaalada Shillaabe, balse uu la kaashan doono dowlada Ethiopia oo talada qeyb ka leh.

Madaxweyne Mustafe waxa uu cadeeyay in xitaa talada ay qeyb ka leeyihiin dadka Soomaalida ah ee Gobolka leh, waxa uuna carab dhabay inay xaq u leeyihiin inay ka doodan saamigooda.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay in dowladda dhexe ay kala hadlayaan saamiga dhabta ah ee Soomaalida ay ka yeelaneyso shidaalka si looga gudbo tuhunka ku jira Soomaalida deegaanka.

Haddalka Mustafe Maxamed Cumar ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli muran weyn ka taagan yahay saamiga ay dowlada Ethiopia Soomaalida ka siisay shidaalka laga qoday dhulka maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com