DF oo shaacisay sida ay u aragto isbaheysiga looga dhowaaqay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay isbaheysiga cusub ee Muqdisho looga  dhawaaqay, kaas oo ay ku midoobeen masuuliyiinta ugu miisaanka culus siyaasadda Soomaaliya.

Isbaheysigaas oo loogu magac-daray ‘Golaha Badbaado Qaran’ waxaa ku bahoobay Jubbaland, Puntland, Midowga Mushariinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo hor kacaya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Wasiir Dubbe ayaa isbaheysiyada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan aas-aaska Madashan cusub Badbaado Qaran, waxa uu ku tilmaamay kuwo doorasho diid ah oo maanta aan dalkeenna looga baahneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ajende noo ah doorasho, laakiin waxaan aad uga xunahay, iyadoo dalku doorasho aadayo, in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan sameynta isbaheysiyo doorasho la dirir ah, runtii isbaheysiyadaas waxay nagu celinayaan wado qaldan oo dib u dhac ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta xukuumadda xil-gaarsiinta Cusmaan Dubbe.

Golaha Badbaado Qaran ayaa hoggaankooda sare u doortay afar xubnood oo kala ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi, waxayna guddoomiyaha guud u sii doorteen Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in isbaheysigaan cusub ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaas oo uu sheegay inay habooneed inay ilaashadaan xurmada ay gaareen, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta anagu dalkaan inuu badbaadsan yahay ayaan u aragnaa, sababtoo ah markii isbaheysigaan Badbaado Qaran ay dadku maqleen, aad ayey u naxeen, waxay soo xasuusteen kuwo hore ee rajadooda god-dheer ku riday, hadana xurmo iyo karaamo badan ayaan u heynaa madaxda oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore… runtii waxay leeyihiin maasuus la yaab leh, marka ma rabno in madaxda aan ku dhex aragno isbaaheysiyo doorasho diid ah, waa inay meel fariistaan oo laga barakeysto,” ayuu yiri Cusmaan Dubbe.