Koox hubeysan oo maanta dil qorsheysan ka fuliyey magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa fal toogasho ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gudaha magaalada Muqidisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa qaada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada lagu dilay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado uu ka dhacay gudaha Suuq Boocle oo ku yaalla degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo daqiiqado kadib meydka kasoo qaaday halkaasi, kadiba sameeyey baaritaano kooban.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba dilkan ayaa qeyb ka noqonayo falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro dilal & qaraxyo geystay khasaare kala duwan.