Xasan Daahir: “Farmaajow waxaad is-haysaan 3 qabiil oo aan la dhayalsan karin ee aan talo ku siiyo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo u xiran dowladda Farmaajo, ayaa fariin aad u culus u diray madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo ugu digay inuusan ku qatalmin siyaasiyiinta asal deegaankoodu yahay Muqdisho ee kasoo horjeeda.

Xasan Dahir Aweys ayaa sheegay in Farmaajo looga baahan yahay inuusan ku qatalmin kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda kuwaasi oo uu Xasan Dahir ku tilmaamay kuwo aan la dhayalsan karin, dibna loo eego taariikhdoooda isagoona tusaale usoo qaatay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo awooddeeda aheyd ciidamadii Itoobiya iyo siyaasiyiin yar oo kasoo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wax u tari waayay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, lagana saaray Muqdisho.

“War ninyahow aniga waxaan kugula talin lahaa kiiskaan haku ceeboobin, labo meelood ayaan marka kaa tusaa, mid waxaa weeya dadka eeda kaala dhaxeyso waa dadkii Maxamed Siyaad Barre oo markaasi awood haystay xukun adagna haystay nimankii meesha ka saaray weeye, waa kuwee, Hawiye iyo Daarood waaye, Daarood waa ka dhalatay laakiin waxay ahaayeen Majeerteen, Ogaadeen iyo Hawiye, seddaxdaasi waaye kuwii dowladdii dumiyay, haddana waxaad iska soo horjeedaan waa seddaxdaasi,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo muuqaal uu soo duubay kula taliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo.

Xasan Dahir ayaa sheegay in seddaxdaasi qabiil in ay dowlad 20 sano jirsatay inay hilfaha u qaadeen, isagoona yiri “Walaaloow Nimankaasi ha isku baclaalin, nimankaasi niman sahlan maaha ma sagaaraa ka liidataa.”

Xasan Daahir ayaa fariintiisa intaa sii raaciyay in Farmaajo uu yahay shaqsi dadka fududeysta oo aan dhageysan, qofka dadka fududeystana uu mar walba ku ceebeebo mas’uuliyadda.

“Sharciyadda waa kaa dhamaatay, haddaad xoogtidna dadkaani waa dadkaasi Farmaajo dhegaha iyo caqligaaga fur, nimankaan Hawiyena waa nooc gaar ah, meeshana xidido kuma lihid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir ayaa tusaale usoo qaatay awoodii Cabdullaahi Yuusuf uu ku yimid Muqdisho isagoo haystay siyaasiyiin Hawiye sida Cali Maxamed Geeddi iyo Maxamed Dheere oo awood kusoo galay Muqdisho kadibna la eryey.

“Walaaloow Cabdullaahi Yuusuf oo Amxaaro wata oo Xamar dabbaabaad kusoo galay ku caqli qaado oo weliba daad Hawiye ah watay, meeshaanina ma joogi kartid haddaadan xidido ku laheyn, nimaankani sii jeedka ayey ku roon yihiin, haddii ay soo jeestaan waa kuu dhamaatay, Siyaad Barreba dad Hawiye ayuu ku watay,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

“Ninka la yiraahdo Cali Maxamed Geeddi wuxuu badbaadin lahaa Cabdullaahi Yuusuf, waa ku sharaf seegan yahay Amxaaro anigaa keenay, laakiin Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle wax ay kuu tarayaan ma jirto, Eebaa og haddii xabad dhacdana safkeey galayaan runtaan kuu sheegayaa, dadkaani ma ahan dad aad isku haleyn kartid,” ayuu sii raaciyay Xasan Daahir Aweys.

Mar uu ka hadlayay adeegsiga awood ciidan, isagoona soo hadal qaaday taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin, wuxuuna ku barbar dhigay taliyihii nabad sugida dowladdii Kacaanka Siyaad Barre xiligii ugu danbeeyay kaasoo ahaa Axmed Saleebaan Dafle oo la garan og-yahay, awoodii ciidamadeedna ay difaaci waayeen mucaaradkii xukunka ka tuuray Siyaad Barre oo dhalinyaro ku hubeysnaa kaarabiin xukunka ugu tuuray, dadka maanta joogana ay sameyn doonaan wixii dhacay 1991-kii.

Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa fariintiisa ku sheegay inuu u baqayo in dalka Farmaajo u horseedo in gobolada dalka u qeybsamaan maamulo hoostaga Kenya, Itoobiya iyo kuwo gooni u istaaga.

Fariinta Sheekh Xasan ayaa ah middii ugu cusleyd ee uu ugu hadlo marxalada dalka ku sugan yahay isagoo kuwa uu dhaliilayo xabsi guri ugu jira.

Hoos ka daawo Xasan Daahir 

W/Diyaariyay Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online London