DF oo sheegtay ‘cidda hor-taagan’ in dalka ay ka dhacdo doorasho ‘qof iyo cod ah’

Muqdisho (Caasimada Online)  – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin guud ka bixisay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si bulshada Soomaaliyeed awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi oo arrintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in qabsoomida doorashadaasi ay hortaagan tahay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu gacanta ku haysa qeybo kamid ah dalka.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay tahay caqabada u weyn doorashada qof iyo cod ah hortaagan, isaga oo xusay in kooxda si gaar ah u ugaarsato dadka doorashooyinka qeybta ka ah, ayna weli haystaan deegaanada qaar.

“Kooxda Argagixisada ayaa hortaagan doorashada qof iyo cod ah, oo ka haysta deegaanada dad badan oo xaq u leh inay codeeyaan, kuwii codeyn lahaana hanjabaado iyo waa idin dileyn usoo gudbineysa, oo mararka qaarkood dilay dadkii ergada ahaa ee doorashada dadban kasoo qeyb-galay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in aysan macquul noqoneyn in deegaanada ay dowladda hadda maamusho kaliya doorashada laga qabto, islamarkaana uu dhigay hanaanka qof iyo codka ah in dalka oo dhan laga wada qabto doorashada oo aan laga tagin dadka ku nool degaannada ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

“Intaas Malyan oo Al-Shabaab ku hoos nool waa laga tagay oo inta magaalooyinka joogta ayaa codeynaysa oo intiina cabsi ayay ku codeynayaan taasi suurtagal ma ahan,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aragtidiisa iyo dowladda waxay tahay in dalkaan sanadkaan iyo sanadaha soo socda wax Al-Shabaab la yiraahdo la iska ilaawo. Taas macnaheedu waxa weeyi laba sano markay dowladdan jirto waa laga taqalusay Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ka dhabeynta qorshaha doorashada qof iyo cod oo ah hanaan doorashada dalka dib loogu celinayo gacmaha bulshada, si awood loogu siiyo doorashada cidda ay doonaan.