Dagaal culus oo Haramcad iyo Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmo ka tirsan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa xalay waxa uu Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa sida aan xog ku helnay waxa uu yimid kadib markii ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar ku qaadeen xarunta ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Deeyniile.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kooxda la weeraray ee Shabaabka ay wadeen qorshe ay weerar kusoo qaadaan Muqdisho, balse ay ka war-heleen booliska, kadibna ay weerar ku qaadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaare ka dhashay dagaalka.

Xog horudhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shabaabka laga dilay laba maleeshiyo, mid kalena laga dhaawacay, halka ciidamada Haramcad laga dhaawacay hal askari. 

War kasoo baxay Taliska markii Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagula wareegay xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee duleedka degmada Daynile, sidoo kalena dagaalkii ay la galeen ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen.


“Ciidamada Haramcad waxay weerar lixaad leh ku qaadeen Saldhiga ay ururka Al-Shabaab ay dhawaan ka samaysteen Berta Ali Mahdi ee duleedka Degmada Deyniile ee gobolka Banaadir , Halkaas waxaa ku sugnaa ciidamo kala duwan oo kuwa nabadiidka ah, Weerarka oo billawday xilligii salaada Cishaha kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee Beerta Ali Mahadi,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska ee Haramcad

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaa Ilaahay mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada Tawxiidka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii kooxda Al-Shabaab.”

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka. 

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Booliska Haramcad iyo kuwa NISA ay weerareen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Beerta Cali Mahdi ee degmada Dayniile, balse ay dib uga soo laabteen.