Mucaaradka Somaliland oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ay sheegeen inay sababtay talo xumo ay sameeyeen labada dhinac ee isku haya halkaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay colaadda sii daba-dheeraneysa ee Laascaanood inay masuuliyadeeda leeyihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood.

Faysal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in muddo ka badan bil uu qaato xal u helida dagaalka Laascaanood, isaga oo usoo jeediyay labada dhinac ay dhaqan-geliyaan xabad joojin bilaa shuruud ah, si la iskugu yimaado miiska wada-hadalka.

“Waxaan garaadada leeyahay Alle ka cabsada, umada masaakiinta ah ee guryahoodii ka qaxday maanta anoo ogaa barwaaqada ay ku noolaayeen, lagu qasbay in ay qaxooti noqdaan oo wax uuna Alle badine aad badeen madaxweynaha Somaliland taladiisii xumayd iyo idinka oo ka dhicin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

“Waxaa loo baahan yahay in xabad joojinta la ilaaliyo oo la wada-hadlo, ciidankana la geeyo meeshii la isku afgarto, waxaan soo jeedinayaa in ciidamada kale ee gurmad ahaan u yimid ay ka baxaan gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu meel adag iska taagay qorshaha looga soo horjeedo gooni-goosadka Somaliland iyo midnimada Soomaaliyeed ee lagu karkarinayo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Somaliland la kala jar-jari maayo oo waxay ahaanaysa mid, mana dhaceyso in maamulo kale laga dhex sameeyo Somaliland,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay Garaadka guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil inuu kusoo noqdo Somaliland, isaga oo ka dalbaday xukuumadda inay la timaado qorshe ka duwan xabad oo xal kama dambeys ah looga gaadho xiisadda dagaal ee in ka badan bil ka taagan Laascaanood.