Ciidanka DF oo toogtay rag Shabaab ah oo qorshe yaab leh ka waday Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab.

Ragga la dilay ayaa ku hubaysnaa laba qori, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saaraayeen ragga Shabaab-ka ahaa ee maanta lagu dhex dilay suuqa Bakaaraha iyo Darawalkii Mootada u waday.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka ragga la toogtay, oo ku hubeysanaa qoryo AK47 ah, ma cadda in la dilay darawalkii mootada ku waday ragaan yo nolosha lagu qabtay.

Kooxdaan waxaa la sheegay inay qalqal gelinayeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sida la sheegay ka cagajiiday inay canshuur siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha kooxda, hadda Al-Shabaab waxay wajahayaan dhaqaalo darro weyn, kadib markii ay cunaqabateyn adag saartay dowladda Soomaaliya.

Kooxda ayaa laga xiray dhamaan akoonadii lacagta loogu diri jiray, waxayna ganacsatadu fursad u aragtay in Al-Shabaab aysan la heyn akoon lacag loogu diro, halka kooxdu ay dooneyso in lacagta siyaabo kale loo siiyo.

In kastoo xogta canshuurta weli la siiyo kooxda ay aad u yartahay in la helo, hadana Caasimada Online waxay ogaatay in ganacsatada qaar ay ku doodeen, in lacag kaash ah aysan bixineyn, halka Al-Shabaab-na ay ku adkaatay inay helaan akoon ay ku aamini karaan dhaqaalaha soo gala.

Xeeladaan cusub ee askarta hubeysan ay ugu soo direen suuqa Bakaaraha ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay kaga danleeyihiin cabsi gelinta ganacsatada ka cagajiideysa inay bixiyaan dhaqaalaha ay bil kasta soo dalbato kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirka mootadii ay wateen ragga la dilay oo lasoo bandhigay, waxaana ka cudur daaraneynaa in meydka raggaas aanaa soo dhigi karin halkaan.