Taliyaha booliska oo go’aan culus ka gaaray askari muuqaalkiisa la baahiyey isagoo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa ciidanka ka ruqseeyey ama ka saaray askari saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyey isagoo xabad ku riday nin shacab ah, waxaana la sheegay in muwiidinkii uu ka soo dacwooday askariga.

Xalay fiidkii ayaa la soo qabtay askarigaas, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska, waxaana la hor geynayaa maxkamad, iyadoo deg deg looga ruqseeyey ciidanka.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho ka soo gaartay muwaadin lagula kacay fal awood sheegasho ah, uuna u gaystay askari ka tirsan Boolis ah, waxay soo xireen askarigii dhibka geystay, waxaana la horgayn doonaa sharciga,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu go’aamiyey in askarigaas laga ruqseeyo kamid ahaan-shihiisa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.”

Booliska Soomaaliya oo bulshada farriin u diray ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Ciidanka Boliisku waa ilaaliyaha sharciga iyo bulshada uu wakiilka ka yahay. Fadlan muwaadin, hadii aad waddo cabasho ama warbixin amni, ku hagaaji lambarka gaaban ee Ciidanka Boliiska 991.”

Agagaarka isgoyska Soobe ayuu askarigaan ku xabadeeyey muwaadinka, waxaana baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal muujinaya isagoo toos qoriga ugu haya ninka shacabka ah oo la sheegay inuu meherad ama goob ganacsi ku lahaa halkaas.

Sidoo kale booliska Soomaaliya wuxuu qoraalkaan ku shaaciyey in la dilay rag xalay soo qorsheeyey weerar ka dhan ah Masjid ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan Taleex, kadib markii ay ciidanku ka war-heleen xogta ragga Shabaabka ahaa ee qorsheeynayey weerarka.

“Xalay abaare 08:10 ayeey dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta waxay dhagar u soo maleegeen shacab aan waxba ka galabsan oo ku cibaadeysanayay Misaajid ku yaalla degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Taleex.  Ciidanka Boliiska ayaa ka hortagay in aysan dhagartaasi gaarin shacabka, waxaana halkaas lagu dilay mid ka mid ah Khawarijtii weerarka soo qorsheysay oo meydkiisa iyo hubkiiba gacanta lagu dhigay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.