Imaaraadka oo heshiisiinaya Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed – Maxaa socda?

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas ayaa xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen.

Isku soo dhaweyntaan uu Imaaraadku hoggaaminayo ayaa hadda maraysa heer gabagabo ah, sida ay ilo wareedyo xil kas ah Caasimada Online u xaqiijiyeen.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan u safri doona dalka Itoobiya, si loola kulansiiyo Abiy Axmed, heshiiskaan waxaa garwadeen ka ah Imaaraadka, waxaana lasoo afjarayaa madmadowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe.

Khilaafka Abiy iyo Madoobe wuxuu soo bilowday markii ay siyaasadda dalka isku qabteen Farmaajo iyo Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in Itoobiya ay qorsheysay in xiligaas Axmed Madoobe lasoo qabto, balse uu iska difaacay.

Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana la qorsheeyey in Madaxweynaha Jubbaland uu maalmaha soo socda tago Addis Ababa, si loola kulansiiyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, sida ay tibaaxeyso xogtaan.

Qeybo ka mid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo waxaa ku sugan ciidan xoog leh oo ka socda dowladda Itoobiya, kuwaas oo la qorsheeyey inay ciidanka dowladda federaalka la xoreeyaan gobolka Jubbada Dhexe oo ah halka gobol oo si buuxda ay Al-Shabaab uga maamulaan Soomaaliya.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Axmed Madoobe ma ogola in ciidanka Itoobiya ay gobolkaas ka bilaabaan howlgal aysan gar-wadeen ka aheyn Jubbaland.

Qorshaha xoreynta Jubbada Dhexe waxaa gadaal ka riixeysa dowladda federaalka Soomaaliya, balse Axmed Madoobe ma ogola in howlgal aysan Jubbaland hoggaamineyn lagu xoreeyo gobolkaas oo looga hormaro caasimada rasmi ah ee maamulkaas oo ah Bu’ale.

Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militeri iyo mid amni.