Xogta Xildhibaanka ugu soo hormara kulamada BF oo maalina aan ka maqnaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan (Dhabancad), guddoomiyihii ku meel gaar ahaa ee doorashada geliyey dalka sanadkii lasoo dhaafay ee 2022, isla markaana ah Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha shacabka ayaa la sheegayu inuu yahay xildhibaanka ugu waqti ilaalinta badnaa kulamada golaha.

Xildhibaan Dhabancad ayaa sheegay in markii ay jiraan kulamada golaha uu ugu soo hormaro xildhibaanada, sidoo kale wuxuu sheegay in halkii sano ee baarlamaanka uu ku jiray uusan ka maqnaan hal kulan oo goluhu yeeshay.

Odagaan ayaa 65 ka soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya, sanadkaan ayuu markii ugu horeysay ku soo biiray baarlamaanka 11-aad, waxaana loo doortay guddoomiye ku meel gaar ah oo dalka geliya doorashadii guddoonka baarlamaanka, maadaama uu noqday shakhsiga ugu da’da weyn.

Kulamada golaha shacabka ayaa dhaca todobaadkii 3-maalmood inta uu furan yahay kalfadhi kasta, labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad inuu yahay qofka ugu da’da weyn golaha kama hor istaagin inuu noqdo qofka ugu soo hormara xaadirinta kulan kasta.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya lagama helo sifadaan iyo in balanta la ilaaliyo, waxaana maalmaha qaar dhacday in kulamo uu ahaa qofka ugu horeeya ee hoolka soo galay ay kooram la’aan u baaqdeen.

“Waa qasab wixii lagu balamay in lagu dhaqmo, waxaa xildhibaanada la faraa 9:00 am inay yimaadaan, marka waxaan ku tala galaa in ciidanka ila socda aan meel ay ku sii nastaan aan geeyo, waqtigana aan ilaaliyo, wixii lagu balamo inaad fuliso waa nidaamka aduunka ka socda, laakiin markii aan rabaan imaanayaa hadaa dhahdo, waxaas nidaam maaha,” ayuu yiri Dhabancad uu u waramay Universal TV.

Xildhibaan Dhabancad ayaa sanadkaan ka hor wuxuu ahaa diblomaasi in ka badan 60 sano ka howlgelayey wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si weyn uu ugu soo raaxeystay u shaqeynta dowladda Soomaaliya.

“Shaqada dowladda waxaan si rasmi ah ugu soo biiray 02-03-1958-kii, intii uusan Talyaanigu ka bixin dalkeenna, waxbarasho ayuu Talyaanigu ii diray, waxaan dalka ku soo laabtay maalmihii xorriyadu dhalaneysay, 1-dii Luuliyo markii uu dalku xoroobay, 2-dii Luuliyo waxaan ka mid ahaa shaqaalihii lagu aas-aasay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, 62-kii sano ee lasoo dhaafay waxaan ka shaqeynayey arrimaha dibadda dalkeena,” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad.