New York (Caasimada Online) – Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Cusmaan, oo maanta khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyay horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.
Danjire Abuukar Baale waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Danjiraha ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo isuku duwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.
Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya
Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.
Talaabadaan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.
Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabka.
Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay howlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.
Howlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu.
Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.
Danjire Abuukar Baale waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay, si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo talaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.
Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isku filanaansho.
Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Baale), waxeyna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan hiigsiga Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

