DF oo si qarsoodi ah ciidan uga qoreysa SOMALILAND

Laascaanood (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan dadka degaanka iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan ka qoreyso degaano ka tirsan Somaliland. 

Wararkaan oo aad loo qariyay ayaa ka helnay ilo ka tirsan odayaasha degaanka ee ku nool magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, waxaa sidoo kale noo xaqijiyay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. 

Tirada ciidanka oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari. 

Billowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo. 

Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa. 

Lama oga in loo tababarayo qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan waxay si hoose ula macaamileysay dadka kasoo jeedo qabaa’ilada aan awodda badan ku lahayn Somaliland iyo Puntland, ee tabashooyinka qaba, waxaana dhowaan ay Puntland ku eedeysay dowladda federaalka inay hurisay qalalaase ka dhacay degaanka Dhahar.