DF oo soo saartay digniin culus oo ku socota 2 dhinac

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac.

Digniintan ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaar ah ugu jeedisay dadka la macaamilaya Khawaarijta iyo shacabka ku sugan goobaha ay joogaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in dowladdu ay marar badan horay uga digtay la macaamilka kooxda Al-Shabaab iyo in shacabka ay isaga fogaadaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxdaas, balse aysan digniintaas weli dhaqan-gelin, iyadoo weli dad badan ay ku sugan yihiin goobaha khatarta ah.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibbadooda ay bartilmaameedsanayaan fariisimaha kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay inay ka fogaadaan goobahaasi.

Wasiirka ayaa si gaar ah u sheegay in ay jiraan dad wali la macaamilaya Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay si degdeg ah uga baxaan howlahaas, haddii kale ay la kulmi doonaan tallaabooyin culus oo dowladda ka qaadi doonto.

“Dowladda Soomaaliya waxay digniino badan kasoo saartay la macaamilka Al-Shabaab iyo ka fogaanshaha goobaha ay joogaan, haddana waxaan ku celinaynaa shacabka Soomaaliyeed inay ka dheeraadaan meelaha ay kooxdu ku sugan tahay si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada socda,” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu marti gelinayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo si joogto ah u beegsanaya xarumaha kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay Yuusuf Dhegnaas iyo in ka badan 20 dagaalame oo lala beegsaday duqeyn cirka ah.

Si kastaba, dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba-jibaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ay qayb muhiim ah ka yihiin howlgalka socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.