Ottawa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe, Mark Carney, ayaa ku guuleystay tartankii hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ee haya talada dalka Canada, wuxuuna xilka Ra’iisul Wasaaraha kala wareegi doonaa Justin Trudeau, sida ay muujiyeen natiijooyin rasmi ah oo soo baxay Axaddii.
Carney ayaa xilka la wareegaya xilli xasaasi ah oo dalka Canada uu wajahay dagaal ganacsi oo adag oo kala dhexeeya Maraykanka oo ah saaxiibkiisa soo jireenka ah, iyadoo sidoo kale dalka uu u diyaargaroobayo doorasho guud oo dhowaan dhacaysa.
Carney oo 59 jir ah ayaa ku guuleystay 86% codadkii la dhiibtay, isagoo si weyn uga adkaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland, tartan ay codadkooda ka dhiibteen ku dhawaad 152,000 xubnood oo ka tirsan xisbiga.
Justin Trudeau ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo kaddib markii taageeradiisu hoos u dhac weyn sameysay muddo sagaal sano ka badan oo uu hoggaaminayay dalka, taas oo ku kalliftay Xisbiga Liberal-ka inay qabtaan doorasho degdeg ah oo loogu dooranayo qofkii beddeli lahaa.
“Yaan la dhayalsan, tani waa daqiiqad muhiim u ah mustaqbalka qaranka. Dimoqraadiyadda lama damaanad qaadi karo, xorriyadduna ma ahan wax iska jira. Xitaa jiritaanka Canada waa arrin aan hubaal ahayn,” ayuu yiri Trudeau.
“Hadda, iyadoo reer Canada ay wajahayaan caqabado dhaqaale iyo mid jiritaan oo uga imaanaya dalka dariska ah, waxay muujinayaan awoodda iyo adkeysiga uu leeyahay dalka Canada.”
Carney, oo ku cusub siyaasadda, ayaa sheegay inuu yahay qofka ugu habboon ee dib u soo noolayn kara xisbiga, isla markaana si fiican u maamuli kara wadaxaajoodyada ganacsi ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo hanjabay inuu kordhin doono canshuuraha alaabada Canada, taasoo dhaawac xooggan u geysan karta dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan dhoofinta.
Carney ayaa ahaa musharraxa ugu cadcad ee tartanka, isagoo helay taageerada xubnaha ugu badan ee xisbiga iyo lacagta ugu badan ee laga ururiyey afarta musharrax ee tartamayey.
Guusha Carney ayaa ah markii ugu horreysay oo qof aan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed uu qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada.
Carney ayaa sheegay in khibraddiisa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee madax ka noqda laba banki oo ka tirsan dalalka G7—kuwaas oo ah Canada iyo Ingiriiska—ay ka dhigeyso musharraxa ugu wanaagsan ee la tacaali kara Trump.
Ololihii doorashada, Carney wuxuu taageeray in Canada ay canshuur celis isla heer ah kusoo rogto Maraykanka iyo in la dejiyo qorshe mideysan oo lagu kobcinayo maalgashiga. Wuxuu si joogto ah u dhaliilay in kobaca dhaqaalaha Canada muddadii Trudeau uu ahaa mid aan ku filnayn.
Rajada ah bilow cusub oo uu Carney u horseedo xisbiga Liberal-ka, canshuuraha Trump uu kusoo rogay Canada, iyo hanjabaaddiisa joogtada ah ee ah inuu Canada ka dhigi doono gobolka 51aad ee Maraykanka, ayaa si lama filaan ah u soo noolaysay taageerada Xisbiga Liberal-ka.
Waqtiga midnimada qaranka
Bilowgii 2025, Xisbiga Liberal-ka ayaa ka hooseeyay mucaaradka Conservative-ka ilaa 20 dhibcood ama ka badan, balse hadda waxay labada xisbi aad isugu soo dhawaadeen sida ay muujinayaan sahanno dhowaan la sameeyay. Xisbiga Conservative-ka waxaa hoggaamiya siyaasi ruug-caddaa ah oo lagu magacaabo Pierre Poilievre.
Banaanbax Axaddii ka dhacay afaafka hore ee baarlamaanka Canada ee magaalada Ottawa ayaa dad badan oo reer Canada ah waxay siteen boorar looga soo horjeeday Trump, iyadoo aysan soo qaadin arrimaha siyaasadda gudaha.
“Tani waa daqiiqad dadku ay muujiyeen midnimo qaran oo aan sannad kahor la fileynin,” ayuu yiri Richard Johnston, oo ah borofisar siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda British Columbia. “Waxaan rumeysanahay in Xisbiga Liberal-ka uu ka badbaaday inuu gebi ahaan meesha ka baxo.”
Laba ilo wareed oo ka tirsan Liberal-ka ayaa sheegay in Carney uu toddobaadyada soo socda iclaamin doono doorasho guud.
Sahanada ayaa muujinaya in labada xisbi, Liberal-ka iyo Conservative-ka, midkoodna aanu heli karin aqlabiyad buuxda. Doorashada guud waa inay dhacdaa ugu dambeyn 20-ka Oktoobar.
Carney ayaa sharci ahaan noqon kara Ra’iisul Wasaare isagoo aan kursi ka haysan baarlamaanka, balse dhaqanka siyaasadeed ee dalka ayaa dhigaya inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u raadsado kursi baarlamaanka.
Sanadkii 1984, John Turner ayaa ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay oo aan kursi ka haysan baarlamaanka markii uu qabtay xilka, isagoo ku guuleystay hoggaanka xisbiga Liberal-ka.
Liberal-ku waxay dhowaan soo saareen xayeysiin ay hoggaamiyaha Conservative-ka Pierre Poilievre ku barbardhigeen Trump. Poilievre ayaa Axaddii sii kordhiyay weerarrada siyaasadeed uu Carney ku qaaday.
“Liberal-ku waxay caawa isku dayayaan xeelad sir ah,” ayuu yiri Poilievre. “Waxay doonayaan inay muddo afaraad ku helaan kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo Justin Trudeau ku beddelaya lataliyihiisii dhaqaalaha Mark Carney. Donald Trump-na wuxuu yeelan doonaa qosol weyn.”
Carney ayaa meesha ka saaray inuu door weyn ka ciyaaray la talinta Trudeau, isagoo sheegay in waajibaadkiisa caalamiga ah darteed aanu helin waqti badan. Wuxuu iska casilay dhammaan xilalkiisii ganacsi markii uu ololaha doorashada hoggaanka bilaabay bishii Janaayo.