Rubio iyo Zelenskyy oo ku wada-hadlaya Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, halkaas oo lagu qaban doono wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine.

Socdaalka Xoghayaha ayaa qeyb ka ah dadaal uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ku riixayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Rubio ayaa hoosta ka xarriiqay in Madaxweyne Trump uu go’aansaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka ka socda Ukraine, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta.

Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, oo uu khadka taleefanka kula hadlay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa isna maanta ku wajahan Sacuudiga, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeelan doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

Marka uu Madaxweyne Zelenskyy dib ugu laabto dalkiisa, waxaa magaalada Jidda baaqi ku sii ahaan doona saraakiil sare oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil milateri oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Ukraine, Andriy Yermak.

Wafdigaas ayaa wadahadallo la yeelan doona wafdi kale oo ka socda dowladda Mareykanka, waxaana wafdiga Ukraine qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Andrii Sybiha, Wasiirka Gaashaandhigga, Rustem Umerov, iyo Taliyaha Ciidamada Militariga Ukraine, Pavlo Palisa.

Dhanka wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, waxaana qeyb ka ah La-taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz iyo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweyne Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya saddex toddobaad kadib markii saraakiil sare oo Mareykan ah ay magaalada Riyaad ee Sacuudiga kulan gaar ah kula yeesheen diblomaasiyiin ka socday dowladda Ruushka.