DF oo tallaabo ka qaaday MASJID iyo Imaam qaatay amar kasoo baxay Shabaab

Afooge (Caasimadda Online) – Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa xabsi iyo jirdil isugu daray imaamyo iyo dadka Shacab ah oo salaadda Ciidul Fidriga ka oogi rabay qaar ka mid ah masaajida ku yaal Degmadaas.

Imaamyadaan ayaa la sheegay inay qaateen amarkii kasoo baxay Al-Shabaab ee ahaa in Maanta oo Arbaco ah ay tahay Ciid, islamarkaana la arkay dhalashada bisha Shawaal.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa xoog ku galay masaajidaas, waxaana xabsiga la dhigay dhowr imaam oo diiday inay joojiyaan Takbiirta isla markaasna ay qaataan amarka Dowladda ee ahaa in Maanta ay tahay Maalin Soon ah.

Al-Shabaab ayaa awood muuqato ku leh gudaha Magaalada Afgooye, waxayna qeybo kamid ah Magaalada si toos ah uga qaadaan Canshuur, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin xubno Al-Shabaab u qaado waxa ay ugu yeereyn Zakawaad.

Dhammaan Gobolada Soomaaliya ayaa Maanta laga sooman yahay, marka laga reebo Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xalay shaaciyey in dalka Soomaaliya aysan Maanta Ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan dowladaha Islaamka ay ku dhawaaqeen in maanta aysan Ciid aheyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Xalay sheegtay in Maanta ay tahay maalin ciid ah, waxaana laga ciiday dhammaan goobaha ay gacanta ku heyso Xaramada, waxaana ugu waaweynaa meelaha laga ciiday Garhareeri, Jilib iyo Saakow.