DF oo wada qorshe cusub oo ay qeyb ka yihiin culimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday qorshe lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo ay qeyb ka yihiin culimada Soomaaliyeed.

Qorshahan ay dowladda ku xoojineyso dagaalka fikirka ee Al-Shabaab ayaa waxa uu yahay in wacyi-gelin laga sameeyo deegaanada laga xoreeyay kooxda iyo in laga hirgaliyo goobo lagu barayo caqiidada saxda ee Islaamka.

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qorshahan kulan ka yeeshay, kaasi oo uu shir-guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray dardar-galinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhinaca fikirka, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha dowladda oo ah in kooxda lagala dagaalamo saddex jiho oo kale ah; dhaqaalaha, fikir iyo dagaalka tooska ah ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu fallan-qeeyey qaabkii Al-Shabaab looga guuleysan lahaa dagaalka fikirka ah, iyadoo la adeegsanayo culimaa’udiinka Soomaaliyeed, islamarkaana xoogga la saarayo sidii wacyi-galinta loo gaarsiin lahaa deegaannada dhawaan laga xoreeyey, oo barnaamijka xasillinta loo dhinac wadi lahaa dagaalka fikirka xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntii waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta laga hirgaliyo goobo lagu soo bandhigayo caqiidada saxda ee Islaamka.

Goobahaasi ayaa waxa dadka looga wacyi-galin doona fikirka khaldan ee ay kooxaha Khawaarijtu dadka u sheegayeen shan iyo tobankii sanno ee u danbeeyey.