Muuse Suudi oo shaaciyey 12 xil oo NISA ah oo Mahad Salaad uu siiyey beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ka hadlay fadhigii Aqalka Sare ayaa weerar ku qaaday Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu xilalkii hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ku taxay beeshiisa, taasi oo uu ku tilmaamay ku tagri-fal awoodeed.

“Maalin hore waan ka hadlay, waxaan ka hadlay waxba lagama soo qaadin ma ogi meesha loo roorayo. Sharciga NISA umadda oo dhan uu ka dhaxeeya ee lama rabo in qof gaar ah uu gacantiisa ku jiro,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Toban iyo laba xil oo qoraal ah ayaa jeebkayga ku jira, waana heel beel kali oo hadda uu qoray Mahad Salaad. Dadkaan in loo aaso wax aysan ogeyn looma baahna.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Mahad Salaad uu durbaba bilaabay ku tagri-fal awoodeed, uuna kaligiis wixii uu rabo ka sameysanayo hay’adda NISA, isaga oo cid la tashi la sameyn, sida uu sheegay Senator Muuse Suudi.

Xilalka muhiimka ah ee NISA uu sheegay Senator-ka in u Mahad Salaad hal beel ku taxay ayaa waxay kala yihiin: Dekedda, Garoonka, Maaliyadda, Hoggaanka Ciidamada, Hoggaanka Tobabarada, Hoggaanka Gobolada, Hoggaanka la-socodka sirdoonka, Nootaayooyinka iyo dhulka, Hoggaanka Saadka guud, Taliyaha Ciidanka – Garoonka, Taliyaha Ciidanka Duufaanka, Taliyaha Guud ee ciidanka NISA.

“Taliye Mahad Salaad waxa uu xilalka NISA u qoray hal beel oo kaliya, umadda kale waxa uu u reebay idinka ayaa og awooda oo dhan isaga ayaa leh,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Senator-kan ayaa Sabtidii guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad, si uu goobjoog uga noqdo sharciga hay’adiisa ee laga doodayo, islamarkaana wax laga weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah, taasi oo uu maanta sheegay in waxba laga soo qaadi waayay.

Sharciga NISA oo muddo doodiisa ay ka socotay Golaha Aqalka Sare ayay maanta ansixiyeen Senator-adu, kadib markii uu guddoonka cod u qaaday meel-marinta sharcigaan, waxayna sidaas NISA ku yeelatay 53 sano kadib sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso.