DF oo wadda qorshe $300 milyan ah oo degaanada laga saaray Al-Shabaab la xiriira

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa fulinta qorshe xasilin, kaasi oo la sheegay inay u raadineyso kharash gaaraya 300 Milyan oo doollar.

Qorshahan oo wejigiisa hore uu billowday ayaa waxa uu ku qotoma in gargaar la gaarsiiyo deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadibna loo sii gudbo dib u soo celinta adeegii dowladnimo ee sanadaha badan ka maqnaa dhulkaasi.

Sida laga soo xigtay Majaladda Financial Times, bartilmaameedka mustaqbalka qorshahan ayaa ah in dib loo yagleelo adeegyada muhiimka ah sida; caafimaadka iyo waxbarashada deegaanada la xoreeyay.

Lacagta ay dowladda u raadineyso mashruucan ayaa waxa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan lagu bixiyo saddexda sano ee soo socota, sida laga soo xigtey warbixinta Financial Times oo lagu wareystay masuuliyiin kala duwan.

Deeq-bixiyayaasha reer galbeedka ayaa waxaa lagu wadaa inay qeyb ahaan bixiyaan lacagtaan, inta kale waxaa la filayaa in Soomaaliya ay la timaado, deyn ahaan ama dhakhli gudaha ka yimaada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay tahay caqabada ugu weyn ee hortaagan in dowladda ay hesho dakhli ku filan, maadaama ay dhankeeda kooxdu qaado lacago baad ah oo sanado badan ku tamarineysay.

“Dowladdu ma haysato dakhli ku filan. Sababtuna waa Al-Shabaab darteed, dalka ma wada gaari karto dowladdu. Marka la xoreeyo dalka waxaa jiri doona meel banaan oo dowladdu ay dakhli ku aruurin karto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha iyo dowladdiisa ayaa diiradda saaraya sidii loo heli lahaa deyn cafis kahor inta dalka uusan qaadan deyn cusub oo uu horey ugu sheegay inay gaari karto boqolaal bilyan, si ay Soomaaliya u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Qorshaha ugu weyn ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay xilligaan ku howlan tahay ayaa ah sidii uu sanadkaan uga takhalusi lahaa kooxda Al-Shabaab.

Hase ahaatee, khuburada amniga ayaa waxay qabaan inay adkaan doonto ka dhabeynta arrintaan muddadaasi kooban, iyada oo xusid mudan tahay in weli kooxdu ay helayso dhaqaalihii ay hore u qaadi jirtay, inkasta oo dowladda ay ku faantay inay wiiqday inta badan dakhliga ay kooxdu ka heli jirtay ganacsatada Muqdisho.