Al-Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur oo qaaday tallaabo kahor duulaanka ku wajahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaabka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lasoo warinayaa inay hubkoodii ku wareejiyeen odayaasha dhaqanka ee degmadaasi, kahor duulaanka xooggan ee ciidamada dowladda ee ku wajahan Ceelbuur.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur ay go’aankaasi qaateen kadib markii lagu go’aamiyay in hubkooda wareejiyaan kulan ay kooxda iyo odayaasha deegaanka ku yeesheen gudaha degmadaasi.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya.

Warbixintan ay baahisay warbaahinta dowladda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ugu dambeyntii go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda federaalka, kuwa Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ee ku wajahan Ceelbuur, si ay uga saaraan kooxda.

Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa maalmihii u dambeeyay ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda.

Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur.

Arrimaha niyad-jabiyay Al-Shabaab ee ku riixay go’aankan ayaa la sheegay inay kamid yihiin guuxa dadka deegaanka oo lasoo wariyay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulan degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka.