Sawirro: Taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga oo ay ka qeyb galeen hay’adaha kala duwan ee amaanka dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta hubka caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladda, kaasi oo ay dowladda ku mamnuucday in hubka cul-culus lagu dhex wato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaan warbixino looga dhageystay taliyeyaasha ciidamada isku dhafka ah ee howl-galka Ciiltire-sida, Boliiska, Nabad-sugidda gobolka Banaadir.

Kulankan amni ee ka qeyb-galeen taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidanka ayaa waxa kale oo warbixin looga dhageystay Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa ciidanka amaanka.

Ugu dambeyntiina waxaa la iskula qaatay kulankaan dardar-galinta sugida amniga Muqdisho, xilli ay si habsami leh caasimadda uga socoto diyaar-garowga munaasabada Ciidul Fidriga oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay caasimadda si rasmi ah looga dhaqan-gelinayo amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka culus noocyadiisa kala duwan.

Masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ayaa dhawaan lagu wargeliyay inay hub culus ku dhex wadan karin caasimadda, halka ciidamada kala duwan ee magaalada ku dhex wata hubka la faray inay uga soo tagaan xeryahooda.

Si kasta, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir.