Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka SUDAN iyo war kasoo baxay Jeneral Xamdaan

Khartuum (Caasimada Online) – Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey inay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta.

“Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay isku dhacyo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic.

Jeneraal Xamdaan oo sidoo kale loo yaqana Xamedti ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca.

Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka.

“Waxaan wada-hadallo dheeraad ah ka sugeynaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, kuwaas oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xadgudubyadan,” ayuu yiri.

Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirada arrimaha dibedda dalalka G7 ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay si deg deg ah usoo afjaraan coladda, kuna laabtaan wada-hadallada kadib maalmo ay socdeen dagaallo ay ku dhinteen ku dhowaad 200, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,800.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Cabdifataax al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Xamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay deg deg u joojiyaan colaadaha shuruud la’aan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kulanka wasiirada arrmaha dibedda G7 oo ku shiraya dalka Japan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadlay labada Jeneraal, hoostana ka xariiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo xabbad-joojin.

“Nolosha rayid badan ayaa mar hore luntay,” ayuu Blinken soo tweet-gareeyey, isaga oo intaas ku daray inuu “adkeeyey muhiimadda in la xaqiijiyo badqabka shaqaalaha diblomaasiyadda iyo kuwa gargaarka.”

Blinken ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kolonyada diblomaasiyiinta Mareykanka la rasaaseeyey Isniintii, inkasta oo dadkii la socday aanay waxba gaarin, isaga oo ugu yeeray ficil aan laga fiirsan.

REUTERS, AFP, VOA