Isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Qatar – Maxaa soo kordhay?

Doha (Caasimada Online) – Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku guda jira hanaan ay dib ugu soo celinayaan xiriirka diblomaasi kuna furayaan safaaradaha, waxaa sidaas sheegay saraakiil xog ogaal ah.

Arrintan ayaa imaneysa in ka badan laba sano kadib markii dhowr dal oo Carbeed ay soo geba-gebeeyeen qaadacaad iyo go’doomin ay ku hayeen Doha.

“Xilligan, billaabidda xiriirka diblomaasi, oo ay ku jiri doonto dib u furista safaaradaha, waa ay ku guda jiraan labada dal,” waxaa sidaas sheegay sarkaal Imaaraati ah oo ka jawaabay su’aal ay waydiisay wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaal kale ayaa sheegay in safaaradaha dib loo furi doono, islamarkaana safiirada ay tegi doonaan xafiisyadooda ugu dambeyn bartamaha bisha June. 

Ilo-wareed saddexaad ayaa sheegay in xiriirka diblomaasi si buuxda dib loogu soo celin doono toddobaadyo gudahood. 

Dib usoo celinta xiriirka ayaa kusoo beegmaysa ayada oo uu jiro dadaal gobolleed ballaaraan oo dib u heshiisiin, kadib markii Iran iyo Sacuudi Carabiya ay bishii tagtay isku raaceen inay dib u billaabaan xiriirkooda kadib sanado cadaawad ah.

Dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Masar, ayaa sidoo kale u dhaqaaqay inay soo afjaraan in ka badan 10 sano oo go’doomin lagu hayey Syria kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka billowday 2011.

Dalka Yemen, Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wareeg wada-hadallo ah toddobaadkan, ayaga oo is-dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah, taasi oo loo arko tallaabo nabad dhisid oo muhiim u ah mid ka mid ah dagaallada maldahan ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudi Carabiya.

Bartamihii 2017, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, ayna u dhowdahay Iran, eedeymahaas oo Doha ay beenisay.

Riyadh iyo Qaahira ayaa ahaa kuwii ugu horreeyey ee dib safiiro ugu magacaaba Doha 2021-kii kadib markii heshiis uu hoggaaminayey Sacuudiga lagu soo afjaray khilaafka, halka Bahrain ay toddobaadkii tegay ku dhowaaqday inay dib usoo celineyso xiriirka diblomaasi. 

Dhammaan dalalka, marka laga reebo Bahrain, ayaa sidoo kale dib usoo celiyey xiriirka ganacsi iyo kan safar ee Qatar, 2021-kii, halka Imaaraadka Carabta ay tusmeeyeen in soo celinta xiriirka diblomaasi uu waqti qaadan doono.

Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa soo hagaagay sanadkii tegay, islamarkaana hoggaamiyayaasha labada dal ayaa u kulmay si weji-ka-weji ah.

“Siyaadadda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta waxay diiradda saareysa dhisidda isu soo dhowaansho, iskaashi dhaqaale iyo qaboojinta xiisadda gobolka,” waxaa sidaas yiri sarkaal Imaaraati ah oo codsaday inaan la magacaabin.

Sarkaal kale oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in bishii tagtay saraakiisha Qatar iyo Imaaraadka ay isku raaceen inay dib usoo celiyaan xiriirka diblomaasi, islamarkaana Abu Dhabi ay ku wargelisay Doha qofka uu noqon doono safiirkeeda. Qatar weli sidaas oo kale ma sameyn.

Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay la xiriirtay Reuters, waa ay diiday inay arrintan ka hadasho.