DF oo waqti kooban u qabatay 21 Jaamacadood oo dalka ka howlgala + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ogeysiis kasoo baxay Gudigga Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray in ka badan 20 ka mid ah Jaamacadaha dalka, kuwaas oo lagu war-geliyey inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda.

Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray oo aysan imaan, sida ku cad qoraalka guddiga.

“Waxaa lagu wargelinayaa Jaamacadaha magacyadooda hoos ku xusan yahiin in ay sida uga dhaqsiyaha badan kula soo xariiraan gudigga Qaranka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda maadama ay gudigga Qaranka Tacliinta sare la xariireen mudu 4 jeer ah kana soo jawaabi waayeen xariiradii lala sameeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe.”

Liiskan uu soo saaray guddigu waxaa ku xusan magacyada 21 jaamacadood oo ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo lagu war-geliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono hadii aysan la soo xariirin guddiga inta u dhaxeysa 19-ka bishan May ilaa 5-ta bisha dambe ee June.

Hoos ka akhriso Liiska Jaamacadaha loo yeeray