Axmed Madoobe oo sheegay arrinta kaliya ee uu shirka Muqdisho ku guuleysan karo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlay BBC ayaa sheegay in hadii Farmaajo uu faraha kala baxo amniga iyo arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka dhabeeyo tallaabadii uu ugu wareejiyey Ra’iisul wasaaraha, uu ku kalsoon yahay in khilaafka doorashooyinka looga heshiin doono shirka ka dhacaya Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Ra’iisul wasaare Rooble uu qaato mas’uuliyadiisa, isagoo u balan qaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono.

“Hadii sidii loogu tala-galay ay wax u qabsoomaan oo ay noqoto in madaxweyne Farmaajo uu wareejiyo mas’uuliyadda doorashada oo u madax-baneeyo Ra’iisul wasaaraha, oo mas’uuliyadda amiga dalka loo daayo Ra’iisul wasaaraha, isaguna uu qaato mas’uuliyadda howshaas, waxaan rajo ka qabaa in arrinta doorashadu ay ku dhamaa doonto si xasiloon oo 100% ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Axmed Madoobe oo sii hadlayey ayaa sheegay in hadii saldhig doorashada looga dhigo heshiiskii 17-kii September, ay aad u fududahay in laga heshiiyo arrimaha harsan ee la xariira farsamooyinka qabsoomidda doorashada.

Mar wax laga weydiiyey kalsoonida uu ku qabo in Farmaajo faraha kala baxay arrimaha doorashada ayuu ku jawaabay, “Inta Ra’iisul wasaaruhu sheegay ama madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu horay ugu cadeeyey in mas’uuliyadda uu wareejiyey, mida ugu horeysana ay tahay amniga doorashada, hadey sidaas u dhacdo, kalsooni ayaan ku qabaa in wax laga wada shaqeyn karo, xasilooni ayaan muujineynaa, waana ku kalsoonahay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha, waan garab istaageynaa, waana la shaqeyneynaa, sababtoo ah danta wadanka ayaa naga wada dhaxeysa.”

Mar wax laga weydiiyey mowqifkiisa arrinta gobolka Gedo ayuu sheegay in kasii mid ahaanshaha Jubbaland ee gobolkaas aysan wax gorgortan ah ka geli doonin, “Gobolka Gedo arrintiisa wax aan ka ganbaneyno maaha, Jubbaland ayuu ka tirsan yahay, dastuurka dowladda dhexe iyo kan Jubaland ayaa isku si u qeexaya, waa in maamulka gobolkaas lagu soo wareejiyo Jubaland,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa wareysigaan uga jawaabay eedeyntii Madaxweyne Farmaajo ee aheyd in shirkii Afisyooni ay ‘fashiliyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka soo shidaal qaadanaya shisheeye’ ayaa eedeyntaas ku gediyey isla Farmaajo, isagoo sheegay in shirkaas uu fashiliyey isagoo ka shidaal qaadanaya Isaias Afwerki-ga Eritrea iyo Abiy Axmed-ka Itoobiya.

“Ninka shisheeye wax u meerinayo ee maanta Afwerki dimuquraadiyadda ka qaadanaya, ee ka tegay Jabuuti iyo Kenya, ka doortay Itoobiya ayaa anaga na eedeynaya, dalka meel ugama aana bixin, shisheeye talefoon kulama hadlin, marka burburka maanta Soomaaliya ku dhacay ma Axmed Madoobaa keenay? Shirkii anagoo joogna oo ku balanay inaan isku soo noqono, ayaan maqalnay shirkii waa fashilmay iyo Dubbe oo qeylinaya, waana sheegnay markii,” ayuu yiri Axmed Madoobe.