Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay badankood maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, oo lagu wado inuu ka furmo shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir.

Shirka ayaa dib u dhac uu ku yimid, mana muuqato inuu maanta furmi doono, ayada oo madaxweyne goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ay soo gaareen Muqdisho, halka ay ka maqan yihiin kuwa HirShabeelle iyo Puntland.

Wararka qaar oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shirka ay u badan tahay inuu furmo maalinta Sabtida ah, maadaama berri ay Jimce tahay.

Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha wada-tashiga qaran ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in shirkaan xal loogu helo is-mari-waaga doorashada oo muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo ay ku gadaaman yihiin caqabado hor leh.

Shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaddib markii madaxweynaha uu waqtigiisa uu dhamaaday uu kowdii bishan May ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga.

Go’aanka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu ka noqday qaraarkii uu mudada ugu kordhiyay hay’adaha dowladda 12-kii April, taas oo ay ka soo horjeesteen maamul goboleeyada Puntland, Jubaland, Midowga Musharraxiinta, Xisbiyada Mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo beesha Caalamka.

Muddo kororsigii fashilmay ayaa dalka ka riday qalaalase siyasaadeed, ayada oo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay gashay maalmo dagaal oo dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada ay isku faro-saareen.

Shirka la filayo inuu furmo ayaa waxaa uu dib usoo nooleynaya rajada laga qabo in heshiis laga gaaro khilaafka doorashada, maadama shirkii Afisyoon ee bishii April horraanteedii natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Shirkii Afisyooni ayaa fashilkiisa waxaa shaacisay dowlada oo dusha u saartay Jubbaland iyo Puntland, hase yeeshe madaxda labadaas maamul ayaa iska fogeeyay eedeynta xiligaas ay dowladda u jeedisay, wuxuuna dalka xiligaas wixii ka dambeeyay galay xaaladan hubanti la’aan ah dib looga soo kabtay.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku howlan sidii dhinacyada ku kala tagay shirkii hore ka hor midka Khamiista uu ka dhex dhaliyo kalsooni, si loo helo is aaminaad iyo wada-shaqeyn horseed u noqon karta xal laga gaaro is-mari-waaga mudada soo jiitamay.