Madaxweyne FARMAAJO oo war kasoo saaray geerida General Cabdisamad Cali

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland, Genaraal Cabdisamad Cali Shire.

Farmaajo ayaa sheegay in marxuumka uu kaalin mug-leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha dowlad goboleedka Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Sidoo kale wuxuu u duceeyey marxuumka, isaga Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo,” ayuu sii raaciyey madaxweynuhu.

AUN Genaral Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, waxaana haatan socota qaban qaabada aaska loo sameynayo oo ay ka qeyb-geli doonaan mas’uuliyin kala duwan