Gudiga baaritaanka carruurtii magaalada Baydhabo lagu dilay oo natiijadii gudbiyey

Baydhaba (Caasimada Online)-Guddigii loo xil-saaray baariitaanka kiiska caruurtii walaalaha aheyd ee lagu dilay magaalada Baydhaba ayaa maanta soo gabagabeeyey baaritaankii ay wadeen muddooyinkaan, iyagoo natiijada baaritaankooda ku wareejiyey Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kol-sii horeysay magacaabay guddigan, si baaritaan dhab ah loogu sameeyo kiiska dilkii laba caruur ah oo walaalo ahaa, kuwaas oo meydadkooda oo gowracan laga helay duleedka Baydhgaba 7-dii bishii Abriil.

Malaaq Xasan Cali oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in dilkii carruurtaas baritankii ay ku sameeyeen natiijadii uga soo baxday ay maanta ku wareejiyeen xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaas ku sii daray in dadka loo heysto kiiskan dhawaan Maxkamad la horkeeni doono, si cadaaladda loo waafajiyo oo mar kale dhibaatooyin noocaan ah aysan ugu geysan bulshada reer K/Galbeed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee maamulka Koonfur Galbeed Awmaye Sheekh Maalin Cabdi ayaa sheegay in kiiskaan baaris kale lagu sameyn doono, si loo kala cadeeyo dadka sida rasmiga ah uga dameeyay falkii lagu dilay carruurta.

Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo ahaa Aabaha carruurta la dilay oo kala ahaa wiil iyo garab aad u da’yar ayaa horay u sheegay in baaritaanka kiiskan lagu sameeyey wax is daba marin, waxayna eedeyntiisii sababtay in guddiga maanta warbixinta gudbiyey uu magacaabo Madaxweyne Laftagareen.