Sideed qof oo saddex arrin oo kala duwan ugu geeriyooday deegaannada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa shaacisay khasaarihii ugu badnaa oo dhimasho iyo mid hantiyeed isugu jira oo ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay deeganada maamulkaas.

Cabdullaahi Cayrow, Maarreeyaha guud ee haya’dda Maareynta Masiibooyinka Puntland ayaa sheegay in roobabkaas ay sababeen dhimashada 8 qof, kuwaasi oo iskugu jiray caruur iyo dad waaweyn.

Waxa uu sheegay in dadkaas ay geeryoodeen kadib markii qaar daad la tageen, qaybna biriq ama danab halleelay, halka kuwa kale-na ay liqeen oo ay ku dhaceen Goobo ay biyo fadhisteen.

Roobabka dhawaan ka da’ay deegaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ku le’day 1,500 oo Ari ah, sida uu sheegay Mareeyaha hay’adda maareynta masiibooyinka Puntland oo la hadlay warbaahinta.

Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay inay jiraan khasaare hantiyeed oo ka dhashay roobabkaas.

Deegaanada maamulka Puntland ayaa dhawaan waxaa ka da’ay roobab xoogan oo hakad geliyay isku socodka magaalooyinka, kadib markii ay daadad xoogan ay kala jareen wadooyinka qaar, halka kuwo kalena ay biyo fariisin noqdeen.