Madaxweyne ku xigeenkii hore ee P/L oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa xaqiijiyey geerida ku timid Gen. Cabdisamad oo maalmahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya inuu marxuumka ku dhintay isbitaalka Recep Tayyip Erdogan, Ex Digfeer oo lagu daaweynayey muddooyinkii lasoo dhaafay, kadib xanuun lasoo darsay.

Ehellada ayaa sidoo kale sheegay in marxuumka dhowaan laga keenay magaalada Hargeysa, balse uu ugu dambeyn xanuunkii hayey saaka ugu geeriyooday Muqdisho.

Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ka mid ah aas aasayaashii Puntland ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay maamulkaasi, wuxuuna madaxweyne ku xigeen usoo noqday Faroole.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo masuuliyado kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee Kacaanka.

Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxda Puntland oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowso.

AUN marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo la aaso, iyadoo Puntland ay guddi ka kooban 9 xubnood u saartay aaska madaxweynihihi hore ee maamulkaasi, kuwaas kala ah:- 1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud ( Guddoomiye ), 2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin ), 3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin), 4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin), 5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin ), 6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin), 7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin),8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin) iyo 9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Mudane Axmed Siciid (Axmed Barre ) oo ah Xubin ka tirsan guddiga.