A/Madoobe oo shaaciyey liiska wasiirada JUBALAND, xilna u magacaabay Seeraar

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa labo sano kaddib ku dhowaaqay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto xalay kasoo baxday xafiiskiisa.

Liiska wasiirada Jubbaland ee lagu dhowaaqay ayaa waxaa intooda badan kasoo muuqday xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore loo wareejiyey wasaarado kale.

Wasiirada uu shaaciyey Axmed Madoobe ayaa gaaraya 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo sidoo kale 5 wasiir dowli, sida ku cad wareegtada kasoo baxday madaxtooyada.

Sidoo kale liiska wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo muuqday, siyaasiga caanka ah ee Cabdinaasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa xubnaha is-bedalka doonka ee Jubbaland, waxaana loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland u magacaabay General Yuusuf Xuseen Cismaan, kadib markii wasiirkii hore ee amniga, Cabdirashiid Janan uu usoo goostay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabistan kadib lagu wadaa inuu soo aado magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirka arrimaha doorashooyinka ee ka dhacaya caasimada

Si kastaba, magacaabistan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.