DF oo war kasoo saartay geerida taliye Suulnuug

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) Abaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuumka Halyay u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay doorkii muhiimka ahaa uu ku lahaa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, taas oo tusaale wanaagsan u ah dadkaaga iyo dalkaaga oo aad naftaada u hurto.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abaanduulihii Guutada 18-aad ee GorGor, kaas oo ahaa Halyay si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Kawaarijta ah” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey, isaga oo dalkiisa ka difaacaya cadowga argagaixisada ah ee ku soo duulay.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida Abaanduulihii guutada 18-aad ee GorGor oo maanta lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug.   

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa inuu Shahiidey maanta walaalkeena Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ahaa Abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor ee CXDS.  Waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan Shahiidka Ilaahey SW u weydiinayaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ku dhintay Dagaal culus maanta ka dhacay buurta Jeexjeex oo u dhow deegaanka Caad ee gobolka Mudug, waxaana la dhintay ugu yaraan hal askari oo kale, waxaana dhaawacmay askar badan.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa maanta aad loogu laayey dagaalka ka dhacay Mudug, waxaana taliyaha lagu dilay liif saar, kadib markii laga soo toogtay meel dheer.

Inta aan la dilin taliyaha wuxuu ciidanku Al-Shabaab ka saaray goobo muhiim ah, waxaana taliyaha laga soo toogtay meel dheer, isagoo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray xabad uga dhacday meel u dhow wadnaha.