28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 20, 2025

Dowladda oo war culus kasoo saartay dagaal beeleedka ka socda GALGADUUD

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya aya looga hadlay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka ayaa maanta si gaar ah uga dhacay deegaanka Laandheer oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa baaq loogu diray beelaha ku dagaalamay halkaasi, ayada oo wasaaradda arrimaha gudaha ka dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallada nabadda.

“Waxaan ugu baaqeynaa inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada-hadalka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ugu baaqday Galmudug iyo waxgaradka deegaanka inay kaalintooda ka qaataan daminta dagaal beeleedka ka socda halkaasi.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

 

 

 

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News