Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cumar Baarey oo hoostaga magaalada Afgooye ee gobolkaasi.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 2 xubnood, sidoo kalena lagu soo qabtay 13 kale
“Labo ka tirsan maleeshiyaadka khawaarijta ah ayaa lagu dilay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye, waxaana gacanta lagu dhigay 13-kale oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay gaadiidka iyo dadka safareyda ah ay waddada u galaan, balse laga hortegay.
“Maleeshiyaadkaan Khawaarijta ah ayaa isku dayay inay jidka u galaan dadka safarka ah, si ay uga furtaan waxa ay wataan” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ka dhacay duleedka degmada Afgooye.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya aagga deegaanka Cumar Baarey oo ah halka uu howlgalku ka dhacay.
Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.